• +447738411358
  • info@afrecen.com

Articles

Himmillo

higsi

Dadka waxaa hagga oo mar walbaa u horseeda nolosha wanaagsan waa hadba si ay u kale hammi iyo himmillo qurxoon yihiin. qofka himmillladiisa iyo higsigiisu yihiin haabo meel sare mar walba waxaa hubaal ah inuu ka gaarayo nolosha meel sare, iyada oo ay u dheer tahay in dambeetada uu ka heer sareyn doono kuwa hamigga gaaban. 

Himmillooyinka ayaa ah midda lagu hagu ummadaha marka aad hogaan noqoto; balse hadii aadba markii hore laheyn wax higsi ah oo dheer maxaad ku hor kaci dadka kaa sugaya inaad hogaamiso. 

Han weynida ayaa qofka u diida inuu ogolaado inuu meel hoose joogo, waana midaas midda ay dadka ku kale hareen. 

Aadanaha waxaa ku beeera hanka iyo higsigga fog labadiisa walidka marka uu yar yahay iyo marka uu soo hana qaadayo, hadii ay waalidiintu kobcin ama aysan abuurin dareenka hogaamineed ee ubadka waxaa soo baxa dad wadda hogaan doon ah iyagga oo hadii la jara barri lahaa noqon karayey kuwa halyeeyo horseedayaal ah.

waxaa la sheegaa inay dadka qaar yiraahdaan “qofka caqli badan ee aan laheyn higsi iyo himmillo uu doonayo inuu gaaro waa shinbir aan baal alheyn” taas oo uu micnaheedu noqonayo hadii aadan caqligaaga kobcin ama aadan ka faa’iideysan waxaan ku kale duwan tihiin ama dhaanto ma leh shinbir aan garab laheyn oo aan buubi kareyn.

Marka hammigga weyni waa kan kuu suurta galinayo inaad wax walba oo adag aad ka guuleysato si aad u gaarto dantaada guud ama gaar haaneed.

By Ir. A M Abdullahi 

afdrc11@gmail.com